| Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Oo La Kulmay Jaaliyadda SSC Ee Doha Qatar.(Daawo Sawiradda) |
| Written by Jidbaale.com |
| Friday, 30 July 2010 16:05 |
|
Doha(Jidbaale.com):-Garaad Jaamac Garaad Ismacil ayaa magaalada Doha ee Caaismada wadanka Qatar kula kulmay Jaaliyadda SSC eek u dhaqan dalkaasi, iyada oo halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyey.
Waxaana kulanka ugu horay hadal waano iyo wacdiya ku Furay Cali Diiriye Aadan isaga oo ku soo dhaweeyey Garaadka kulanka, waxa sidoo kale isaguna halkaaasi ka hadlay Jaamac Cali Raabi oo ka warbiyey xaaladda Jaaliyadda SSC eek u dhaqan wadanka Qatar. Abwaan Yuusuf Suusle ayaa isagu halkaasi ka soo jeediyey hadal isugu jiray Suugaan iyo wacyi galin, intaasi ka dib ayaa waxa lagu soo dhaweeyey Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil mikrifoonka isaga oo Garaadku ka warbixyey xaaladda deegaanka SSC Soomalaiya oo uu muddo sanad ah ku sugnaa , wuxuuna ka waramay marxaladaha uu soo maray HOgaanka SSC iyo wax qabsoomay, iyo waxa la filayo in la qabto , waxa kale oo halkaasi ka hadlay Oday Cismaan Dhuungooye, Maxmed Saleebaan , Maxmuud Suudaani iyo xubno kale oo dhamaantood ka hadlay xoojinta midnimada bulshada SSC.
Garaad Jaamac Garaad Ismaciil ayaa aad ugu booriyey Jaaliyadda SSC e ku dhaqan wadanka Qatar in ay xoojiyaan isku duubnidooda , Garaad Jamaac Garaad Ismaaciil ayaa waxa uu hadda ku sugan yahay wadanka Imaaraadka gaar ahaan magaalada Abu Dhabi halkaas oo oo iyagana kula kulmi doono Jaaliyadda SSC ee Abu Dhabi. Doha Qatar Jidbaale.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
|
| Last Updated on Friday, 30 July 2010 16:29 |






