gototopgototop
Jaaliyadda SSC Ee Ku Dhaqan Denver Colorado Oo Shir Isugu Timi
Written by Jidbaale.com   
Thursday, 08 July 2010 14:43

 

Denver(Jidbaale.com):-Shir balaaran oo si heer sare loo soo agaasimey  ayaa ka  dhacay  State ka Colorado caasimadiisa Denver ee USA ,shirkaas oo  ay ka soo qaybgaleen jaaliyada SSC.  Waxayna halkaas ku falanqeeyeen   sidii ay muruq iyo maalba isu garabtaagi lahaayeen  maamulka badbaadada iyo midnimada SSC. Waxaana ka soo qayb galay kulankan rag iyo  dumarba. Daawo Sawiradda

Read more...
 
Arday Ka Qalin Jebisay Iskuulka OTTIB ee Buuhoodle
Written by Jidbaale.com   
Thursday, 08 July 2010 12:50

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 08/07/2010 la-gudoonsiiyay shahadoyin arday ka qalin jabisay dhanka kuliyadda caafimaadka, ardaydaas oo ay tiradoodu ahayd 20 arday ayaa lagu gudoonsiiyay xaflad ka dhacday magalada buuhoodle, iyadoo ay kasoo qeyb galeyn dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshadda. Sidoo kale waxaa xafladan ka soo qaybgalay isla markaan Shahaadooyinka gudoonsiiyey Ardayda Hogaamiyaha SSC Dr; Saleebaan Ciise Axmed{Xagla-Toosiye, ayadoo sidoo kalena uu goob joog ka ahaa madashii xafladu ka dhacaysay Hogaamiye ku xigeenka Hogaanku Col: Cali Sabrey.

Read more...
 
Xaabsade Faroole Dagaal Inaguma Soo wadee Waa in SSC Laga Hortagaa
Written by Jidbaale.com   
Thursday, 08 July 2010 04:50

Axmed Cabdi Xaabsade oo war baahinta somalidiidka kula hadlay gudaha magaalada hargaysa ayaa Siilaanyo ugu gudbiyay talooyin uu kaga ruxruxanayo mansab iyo in uu kaga helo soo dhowayntii iyo naasnuujintii Riyaale uu ku qabay mid la mida.

Read more...
 
Maleeshiyo Lacag ka dhacday Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo
Written by Jidbaale.com   
Wednesday, 07 July 2010 11:58

Garoonka magaalada gaalkacyo oo indhawaalaba u xidhnaa amar ka yimid Madaxweynaha maamulka Puntland C/Raxmaan Faroole ayaa waxaa xoog ku galay koox maleeshiyo ah oo si weyn u hubaysnaa.Maleeshiyaadkan oo ay adeegsadeen dad ka soo jeeda magaalada Gaalkacyo ayaa ujeedadoodu ahayd labo arimood.

Read more...
 
Maansadan Waxaa Curisey Amina Mursal Cumar Oo Difaacaysa Maxamed Cali Samatar
Written by Jidbaale.com   
Wednesday, 07 July 2010 01:11

Maanso(Jidbaale.com)

waxaan halkan uga mahad celinayaa dhmaan bahda jidbaaleoo muujisay dhexdhexaad iyo warar aad  u jeclaysano dhamaan shacabka s. s. c.  intaa kadib waxaan  rabaa in aan halkan idiinku soo bandhigo murti jiifto ah oo ra aleey ah, qof alaale qofkii soo galaana uu ka qayb qaadan doono ra.aleey xarafkale kama qaadi karo waa shuruud waana u banaan tahay cidii ka soo qayb gelaysa. Daawo Sawirada Fanaanada SaadoCaliWarsame

Read more...
 
Puntland Liiska Xubnaha la Hadal Hayo
Written by Jidbaale.com   
Sunday, 04 July 2010 15:39

 

Garoowe(Jidbaale.com):-Wararka ka imanaya Garoowe ee Caasimada PL ayaa sheegaya in Buuq Xoogan ka dhex Aloosanyahay Madaxtooyada Garoowe taasi oo Salka ku haysa Wasiiro iyo ku Xigeeno Shaqada laga Joojiyay, Sidoo kale ilaa Sadex Wasiir ayaa la sheegay in La Cayrindoono Halka Kuwa kale lagu bedelayo, liiska Wasiirada Ama xubnaha Cusub ee Dawladan ku soo Biiraya ayaa Miiska Saaran sida warku sheegayo waxana Socda Wada Tashi balaadhan oo la wado.

 

Read more...
 
Doorashadii SNM Iyo Shirkada Dahabshiil Oo Noqotay Shirkad Beeleed
Written by Jidbaale   
Sunday, 04 July 2010 15:44

 

Read more...
 
Siilaanyo: "Waxa guulaystay halgankii dheeraa ee SNM"
Written by Jidbaale   
Sunday, 04 July 2010 15:42

 

A. M. Siilaanyo

Tan oo digniin iyo hanjabaad cad u ah beelaha kale ee la dega woqooyiga Soomaaliya ayaa  Axmed Maxamuud Siilaanyo oo mar labaad la wareegay horgelidda maleeshiyada SNM ee dirta woqooyi  uu khudbad dheer uga soo jeediyey munaasabaddii uu talada SNMta kula wareegay. Siilaanyo oo caaddifad iyo shucuur qabyaaladeed oo aan la qiyaasi karini ka muuqatay wuxuu khudbaddiisii isirnacaybka ahayd ku bilaabay sidan:

 

Read more...
 
Hanti Dhawrkii SSC Maxamed Xasan Buraale Oo Xilkii laga Qaadey.
Written by Jidbaale.com   
Sunday, 04 July 2010 15:02

Buuhoodle:-Wareegto ka soo baxdey Xafiiska Hogaanka SSC maanta ayaa lagu sheegey in xilkii Hanti dhawrka  laga qaadey Mudane Maxamed Xasan Buraale, ka dib markii uu ka horyimi waajibaadkii iyo kaladanabynta guud ahaan Hogaanka Midaynta iyo Badbaadada SSC.

Read more...
 
Ogeysiis: Shir Telefooneed Jaaliyadda SSC Oo La Qabanayo Maalinta Axadda Berri
Written by Jidbaale.com   
Saturday, 03 July 2010 15:22

Waxaa dhamaan lagu wargelinayaa dad weynaha reer SSC meel ay joogaanba inay nagala soo qaybgalaan shir Teleconference ah oo dhici doona maalinta Axadda ee berri ah,

 

Read more...
 
Ogaysiis: Webka Casuura.com Oo Loo badalay somali24.net
Written by Jidbaale.com   
Saturday, 03 July 2010 15:28

  

 

Laascaanood(Jidbaale.com) Waxaan ku wargalinaynaa dhamaan Bahdii horay ula socon jirtay webka casuura.com ay hawada ku soo noqotay islamarkaana magicii hore ee casuura laga badalay loona baxshay www.somali24.net sidaa darteed waxaan idin leeyahay saacad waliba wararkii ugu dambeeyay ee deegaanadda sscayn kala soco webkan www.somali24.net.

Read more...
 
War Deg Deg ah Guutada Caga-dhiig ee Aaga Kalabaydh oo Maanta Khasaare gaadhsiiyey Gaadhi Tikniko ah iyo Ciidamo saarnaa
Written by Jidbaale.com   
Friday, 02 July 2010 10:09

Xarardaanyeerta:-Ciidamo ay wataan Ibraamin Dheere iyo Khusuusi Khadar Saleebaan Sancad ayaa maanta Weerar  u gaystey Gaadhi Tikniko ah oo Marayey Halka loo yaqaan Xarar-daanyeerta oo qiyaastii 20km ka xigta Koonfur  Laascaanood.

Read more...
 
Ogaysiis Shirka Jaaliyadda SSC Denver Colorado USA
Written by Jidbaale.com   
Friday, 02 July 2010 08:18

waxaa    dhamaan la ogeysiinayaa jaaliyadda  SSC ee ku nool Colorado iyo nawaaxigeeda in uu jiro shir lagu taageerayo Hogaanka SSC ee Ay hormuudka ka yihiin Hogaamiye   Suleiman  Ciise Axmed (Xagla toosiye) iyo Hogaamiye ku xigeen Cali Sabarey uu ka dhici doono hadii rabbi idmo magaalada Denver  maalinta axada ah waa july/4/20010 saacadu waa 12.00 duhurnimo waa kan  madasha la isugu imaanayo.

Read more...
 
Wakiilka Xawaaladda Amal Ee Waqooyiga Somaliya C/risaaq Dawdar Oo Wasaaraddda Awqaafta Siilaanyo U Magacaabayo.
Written by Jidbaale.com   
Thursday, 01 July 2010 15:51

Hargeysa(Jidbaale.com):-Wararka laga helayo Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan ka dib markii lagu dhawaaqay Guusha Siilanayo ee Hogaaminta maamulka Jabhadda SNM in durtaba ay soo shaac baxayaan xubnaha wasiirada ee Mamaulka Jabhadda SNM ka mid noqonaya.

Read more...
 
Fadlan Caawi Wiilkan Oo Gubtay
Written by Jidbaale.com   
Thursday, 01 July 2010 14:54

Dhamaan walaalaha muslimiinta ah ee muxsiniinta ah waxa laga codsanayaa inay caawiyaan wiilkan yar oo da'diisu tahay  5 jir oo gubtay ramadaantii hore, hadaba waxa dhacday in wiilka uu ka gubtay caloosha ilaa qaarka hoose qayb ka mid ah waxase u daran hadda feedhaha iyo xubinta tartanka.

Read more...
 
Odayaasha Buuhoodle & Jigjiga oo ku guulaystay sii daynta gaadiidkii laga qafaashay gobolka Cayn
Written by Jidbaale.com   
Thursday, 01 July 2010 11:40

Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee xarunta ah gobolka ismaamulka Soomaalida ayaa waxay cadaynayaan in gaadiid ciidamada Etoobiya ay bishii June ee la soo dhaafay ka qafaasheen magaalada Buuhoodle la ogolaaday in dib gaadiidka loogu soo celiyo degaanadii sida xaqdarada ah looga afduubay.

Read more...
 
Bashiir Cismaan Cabdi Xaashi Oo Loo Magacaabey Khasnajida guud ee Hogaanka SSC.
Written by Jidbaale.com   
Thursday, 01 July 2010 11:38

Buuhoodle:-Hogaamiyaha Midaynta iyo Badbaadada SSC  Saleebaan Ciise Axmed ayaa maanta Bashiir Cismaan Cabdi Xaashi u magacaabey  Khasnajida SSC, ka dib markii uu la tashadey ku xigeenkiisa  Cali Sabarey iyo madaxda Maaliyadda.

 

Read more...
 
Open Letter to Pregressio
Written by Abdul Rahman Hariri   
Wednesday, 30 June 2010 10:28

A healthy democracy depends on more than casting regular ballots, but it rather depends on faith in the processes by which decisions are made. Sadly, this fundamental trust has been broken in the so-called election that you observed in Northwest Somalia or “Somaliland” in June 26, 2010.

Read more...
 
Booliska Magalada Mineapolis Oo Xidhay Nin Xafladii 26ka June la soo Dhexgalay Calanka Soomalidiidka
Written by Jidbaale.com   
Tuesday, 29 June 2010 11:43

Booliska dalka Maraykankan gaar ahaan Gobolka Mineapolis ayaa jeelka u taxaabaay nin 26kii June soo qaatay marada Soomaalidiidku ay ku sheegaan calankooda.

 

Read more...
 
Saraakiil Maraykana Oo Qabtay Yuhuudi Hub U Soo Waday Maamulka Hargeysa
Written by Jidbaale.com   
Tuesday, 29 June 2010 08:25

Florida (Jidbaale.com) saraakiisha amaanka garoomada maraykanka ayaa gacanta ku dhigay nin yuhuudi oo lagu magacaabo Hanoch Miller da’diisuna tahay 53jir, kaasi oo doonayey inuu hub u badan qoryaha fudud iyo lacago been abuur ah u soo gudbiyo maamulka hargeysa.

Read more...
 
<< Start < Prev 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 Next > End >>

Page 10 of 21